Man United Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Doonayaan Ku Guulaysiga Premier League.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa fulinta kooxda Manchester United Omar Berrada ayaa lagu soo waramayaa inuu dhigay waqti ay kooxdu ku soo laaban doonto hogaanka kubada cagta Ingiriiska.

Red Devils ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay si xun, iyagoo badiyay kaliya labo ka mid ah shantii kulan ee furitaanka ilaa haatan.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa hadda fadhisa kaalinta 11-aad ee miiska kala saraynta waxana ay u badantahay in ay wali sugi doonto ku guulaysiga horyaalkeedii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2013.

Berrada, oo kooxda kaga soo biiray Manchester City intii lagu jiray isbeddelka xagaagan, ayaa Arbacadii hore shir ku yeeshay Old Trafford si uu uga hadlo hamiga kooxda, sida laga soo xigtay The Athletic.

Waxa uu u sheegay shaqaalaha in ujeedada kooxdu tahay in ay ku guulaystaan horyaalka sanadka 2028 mashruuc loogu magac daray “150”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here