Xiddig Liverpool U Ciyaara Oo La Tilmaamay In Uu Ku Biiri Doono Real Madrid.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Mark Lawrenson ayaa sheegay in xiddiga Trent Alexander-Arnold uu ka tagi doono Liverpool xagaaga dambe.

Lawrenson ayaa sheegay in xiddiga reer England uu u dhaqaaqi doono Real Madrid marla la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dambe.

Heshiiska Trent Alexander-Arnold ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo aan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda.

“Uma malaynayo in Trent Alexander-Arnold sii joogi doono Liverpool bilowga xilli ciyaareedka dambe”ayuu Lawrenson yidhi.

“Waxa aan sawiran karaa in uu u dhaqaaqi doono Real Madrid, waxa halkaas ka ciyaara xiddig u ciyaara xulka England waana Jude Bellingham”.

“Waxa aan arki karaa in uu xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaaro Jude Bellingham”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here