Erdogan oo Mareykanka ugu baaqay inuu ka qaado cunaqabateynada difaaca.

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta Mareykanka ee xannibaya qaar ka mid ah iibsashada difaaca ee dalkiisa iyo tallaabooyin kale ee “halka dhinac ah”.

Erdogan ayaa xayiraadahan ku sheegay in ay caqabad ku yihiin awoodda labadan dal ee xulufada NATO ah ku gaari karaan bartilmaameedyadooda ganacsi.

Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Washington ayaa sannadihii la soo dhaafay aad u xumaaday sababo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin; ku kala aragti duwanaashaha siyaasadda Bariga Mediterranean-ka, Suuriya iyo Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here