Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xaalada David Raya.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada Goolhaye David Raya kaas oo ku dhaawacmay kulankii Man City.

Raya ayaa dhamaystay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Laakiin xiddiga ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulanka waxana uu seegi doonaa kulanka Carabao Cup-ka ee ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Bolton.

Sida laga soo xigtay Mailonline, Raya ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac jilibka ah waxana uu seegi doonaa kulanka Bolton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here