Hoggaamiyaasha dunida oo Maanta khudbado ku billaabi doona Shirka Golaha Guud QM

0
8

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Maanta oo Talaada ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah magaalada New York uga billowdaan khudbadaha hogaamiyaasha dunida ay ka jeedin doonaan, shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ah kii 79-aad, ayaa waxaa ka qeybgalaya oo ka hadli doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku xigeen, labo amiir, 42 madax dowladeed, 9 ra’iisul wasaare ku xigeen, iyo 54 wasiir.

Madaxda maanta ka hadleysa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, iyo madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here