Hogaamiyayaasha Coongareeska Mareykanka oo ku heshiiyay Miisaaniyad ku meel gaar ah.

0
9

Jowhar (Isnaay Radio)- Hogaamiyayaasha Kongareeska Mareykanka ee ka kala socda labada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa Axaddii shalay ku heshiiyay, miisaaniyad saddex bilood ah oo maalgelin doonto socod-siinta howlaha hey’adaha dowladda federaalka Mareykanka.

Hindise sharciyeedka kharashaadka muddada gaaban ee Coogareeska ayaa meesha ka saaraya, in qeyb ahaan ay istaagto shaqada Dowladda Federaalka Mareykanka marka la gaaro billowga miizaaniyad sannadeedka Mareykanka oo sanad walba billowdo 1-da bisha October.

Go’aanka kama danbeysta ah ee dhameystirka miisaaniyadda cusub ee Mareykanka ayuu Koongareeska u riixay marka laga gudbo doorashada madaxtinimada oo dhaceysa 5-ta bisha November.

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Mike Johnson ayaa dhambaal uu u diray mudanayaasha Jamhuuriga ee Koongareeska ku faah-faahiyay qorshaha miisaaniyadda ku meel gaarka ah, 8 maalin ka hor inta uusan billaaban miisaaniyad sannadeedka cusub.

Koongaraska ayaa la filayaa in uu waqti adag wajaho marka la gaaro 1-da bisha Janaury ee sannadka soo socda, markaas oo ay sharci-dajiyaashu si aada uga doodi doonaan sara u qaadista xadka deynta Dowladda Mareykanka. Waxay halis ugu jiraan in ay dhaafaan xadka deynta Dowlada Federaalka oo la filayo in ay gaarto in ka badan $35 tiriliyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here