Man United Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Crystal Palace.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man United ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier League.

Man United ayaa u baahnayd in ay sii wado guulaha premier League waxana uu Ten Hag ku soo galay shaxdiisa uu adag.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa maamulaysay ciyaarta isla markaas samaynaysay fursado wax ku ool ah laakiin uma suurtagalin in ay gool u badalaan.

Crystal Palace ayaa dhineceeda helaysay fursado fiican inkasta oo ayna ahayn fursado aad u badan.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna kooxna shabaqa soo soo taaban.

Sidoo kale qaybtii dambe ayayna waxba iska badalin ntaiijada inkasta oo ay labada kooxoodba goolhayayaasha tijaabiyeen.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here