Barcelona Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Monaco

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Monaco kulan ka tirsanaa champions League.

Kooxda Monaco ayaa ahayd kooxda fiican dhinac walba min bilow ilaa dhamaadkii ciyaarta.

Barcelona ayaa daqiqadii 10-aadba kaadhak cas looga saaray daafaca Eric Garcia kaas oo ciyaarta kaga tagay kooxdiisa 10 xiddig

Daqiiqadii 16-aad ayay Monaco dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Maghnes Akliouche kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Barcelona ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo Monaco ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 28-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Lamine Yamal kaas oo ciyaarta ka dhiga 1/1.

Qaybtii dambe ayay Monaco sii waday dadalaada ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolal kale ugana faa’iidaysato casaaka xiddiga looga saaray Barcelona.

Daqiiqadii 71-aad ayay Monaco dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga George llenikhena kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Monaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here