Dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo ogolaaday xal nabadeed

0
7

Jowhar ( Radio Isnaay ) – Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa sheegay sheegay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah.

Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Talaadadi u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan.

Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka. Waxaa isna bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here