Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaartay Ac Milan.

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Ac Milan kulan ka tirsanaa champions League.

Ac Milan ayaa wakhti hore ka naxsatay Liverpool waxana ay daqiiqadii 3-aadba ka dhaliyeen gool uu u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic.

Liverpool ayaa bilowday in ay raadiso bar-baraha iyaga oo la wareegay maamulista ciyaarta.

Daqiiqadii 23-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ibrahima Konate kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican waxana ay sameeyeen fursado aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 41-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Reds ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay ku dhalin kartay goolal xilli ay Ac Milan ku dhibaatoonaysay in ay weeraro qaado.

Daqiiqadii 67-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay daafaca Dominik Szoboslai kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul soo laabasho elh ka gaadhay kooxda Ac Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here