Daadad dad ku dilay Bartamaha Qaaradda Yurub

0
12

Jowhar (Isnaay Radio)  Waxaa Axaddii shalay korortay tirada dadka ku dhintay daadad xoog leh oo ku dhuftay dalalka dhaca bartamaha qaaradda Yurub, kaddib roobab mahiigan ahaa oo maalmihi lasoo dhaafay ka da’ay halkaasi.

Meelaha ay daadadka xoogga leh saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Austria, Czech Republic, Poland iyo Romania. Waxaa laga cabsi qabaa in waddamada Slovakia iyo Hungary ay daadadku gaari doonaan.

Ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyay in daadadku ay ugu dhinteen dalka Romania halka min hal qof ay ku dhinteen dalalka Austria iyo Poland. Booliska Jamhuuriyadda Czech ayaa sheegay in la la’yahay afar qof oo ay daadku qaadeen.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in rubuc malyuun qof laga daad-gureeyay Jamhuuriyadda Czech. Guryo badan ayaa dumay halka kuwo kale oo badanna ay korontada ka tagtay.

Fatahaadahan ayaa lagu sheegay kuwii ugu xumaa ee soo mara mandigqadda Bariga Yurub muddo 30 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here