Tobnaan qof oo laga cabsi qabo in ay ku haftan wabi ku yaalla Nigeria.

0
24

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saraakiisha dowladda Nigeria ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ugu yaraan 64 oo qof ay ku hafteen wabiga gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, kaddib marki ay qallibantay dooni ay la socdeen.

Doon la sameysneyd alwaax oo ay la socdeen ilaa 70 qof oo beeralley ah ayay wararku sheegayaan in ay ku gaddoontay meel u dhaw degmada Gummi aroornimadi hore ee Sabtidi shalay, xilli ay rakaabka saarnaa isku dayayeen in ay gaaraan beerahooda oo ku yaalla daanta kale ee wabiga.

Dad u badnaa kuwa deegaanka oo is abaabulay ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan, balse saacado kaddib dib uga soo laabtay biyaha kaddib marki ay soo badbaadiyeen lix ka mid ah 70-ka qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here