Madaxweyne Biden oo Aqalka Cad ku qaabilay hogaamiyaha Ingiriiska

0
65

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad kula kulmay Ra’isulwasaaraha Britain Keir Starmer, iyaga oo labada hoggaamiye ka wada hadlay taageerada ay u hayaan Ukraine iyo Israel iyo ammaanka mandiqadda la isku yiraahdo Indo-Pacific.

Biden ayaa u sheegay Starmer in Mareykanka ay ka go’antahay in uu Ingiriiska ku garab istaago taageeridda Ukraine si ay isaga difaacaan buu yiri duullaanka gardarrada ah ee Ruushka. Biden ayaa intaasi raaciyay “Way caddahay in Putin aanu ku guulaysan doonin dagaalkan”.

Madaxda Mareykanka iyo Britain ayaa sidoo kale ka wada xaajooday rajada laga qabo xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Gaza ee Isra’il iyo Xamaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here