Erik Ten Hag Oo U Jawaabay Cristiano Ronaldo.

0
14

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Man United Erik Ten Hag ayaa u jawaabay xiddigii hore ee kooxda Man United Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa dhawaan waraysi uu bixiyay ku sheegay in aanu Erik Ten Hag wax horyaal ah kula guulaysan doonin kooxda Man Unit.

“Ronaldo waxa uu sheegay in ayna Man United ku guulaysan karin premier League, waxa uu yidhi sidaas, si fiican ayaad u akhriday arintaas”ayuu Ten Hag yidhi.

“Ronaldo aad ayuu nooga fog yahay sucuudiga ayuu joogaa, aad ayuu uga fogyaay Manchester, qof walbana fikirkiisa uu dhiiban karaa”.

Waxa xusid mudan in Ronaldo weeraro culus horay ugu qaaday Ten Hag isla markaas arintaas sababtay in uu Ronaldo ka tago kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here