Madaxweynihi hore ee Peru Alberto oo geeriyooday.

0
14

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynihii hore ee Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorki uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse marki danbe xabsi u galay gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadi geeriyooday.

Gabadha uu dhalay Fujimori, Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa.

Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay. Isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-ki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here