Man United Oo Markii 2-aad Ku Fashilantay Saxiixa Adrien Rabiot.

0
11

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa u muuqata inay markii labaad ku fashilantay saxiixa xiddiga Adrien Rabiot waxa ayna wararku sheegayaan in heshiiska ay joojisay sabab horay u dhacday.

Rabiot, oo 29 jir ah, ayaa weli koox la’aan ah ka dib markii uu ka tagay Juventus kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda.

Laacibka reer France –oo shan horyaal la qaaday PSG iyo horyaalka Seria A oo uu la qaaday Juventus – ayaa mar kale ka soo muuqday Diirada Man United.

Red Devils ayaa isku dayday inay la soo wareegto Rabiot intii lagu jiray suuqii xagaaga ee sanadkii 2022.

In kasta oo labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga, hadana Heshiiska ayaa bur-buray sabab la xidhiidha Hooyada Rabiot oo dalbatay lacag si uu wiilkiidu ku biiro Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here