Wasiir xilka iska casilay ka dib markii uu la taliye u magacaabay haweeney uu horey u jeclaa

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirkii dhaqanka ee dalka Talyaaniga ayaa xilka iska casilay ka dib markii uu muran ka dhashay magacaabista haweeney ahayd jacaylkiisii hore oo uu magacabaay la taliye sare, taasoo keentay muran toddobaadyo ah oo ka taagnaa xukuumadda garabka midig ee dalkaasi.

Gennaro Sangiuliano, oo 62 jir ah, ayaa is arkay in u dhexda kaga jiro duufaanta warbaahinta markii Maria Rosaria Boccia – oo ay hore isku jeclaayeen – ay soo dhigtay LinkedIn in loo magacaabay lataliyihiisa “dhacdooyinka waaweyn”.

Markii hore wuu dafiray sheegashada, laakiin waraysi isagoo ilmeyna uu siiyay TV-ga qaranka Arbacadii, Mr Sangiuliano wuxuu qirtay in Ms Boccia oo uu u shaqaaleysiiyay lataliye lacag la’aan ah.

Jimcihii, ugu dambeyntii wuxuu istiqaaladiisa u gudbiyay ra’iisul wasaare Georgia Meloni, laakiin wuxuu beeniyay inuu jabiyay xeerarka wasaaradeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here