Arday lagu afduubtay Nigeria oo la soo furtay

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka ardayda caafimaadka barata ee dalka Nigeria ayaa ammaanay soo furashada 20 arday iyo 7 qof oo kale oo Afduub loo heystay.

Waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Nigeria inay aad u ilaaliyaan ardayda si ay uga hortagaan weerarrada kuwan la midka ah, iyo in la soo furto maxaabiis kale oo weli la heysto.

Booliska dalka Nigeria ayaa dhawaan sheegay in madax furasho la’aan la sii dayay 20 arday oo kale oo barata cilmiga caafimaadka oo 15kii Agoosto laga afduubtay gobolka Benue ee bartamaha dalkaasi.

Dalka Nigeria ayaa waxaa sannadihii la soo dhaafay ku soo batay afduubka kooxaha hubeysan u geysanayaan ardeyda dhigata iskuullada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here