Arsenal Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Raheem Sterling

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo dar-dar galinaya dadaaladooda ay ku doonayaan saxiixa xiddiga Raheem Sterling.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Raheem Sterling.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa u furan in uu ku biiro kooxda Arsenal ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Arsenal iyo chelsea ayaa haatan ku jira wadahadalo si loo dhamaystiro heshiiska.

Arsenal ayaa doonaysa in ay amaah kula wareegto xiddiga reer England xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here