Dhaqaatiirta dalka Nigeria oo shaqo joojin ku dhawaqay

0
24

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaqaatiirta isbitaalada dadwaynaha ee dalka Nigeria ayaa waxay ku dhawaaqeen shaqo joojin dalka oo dhan ah oo socon doonta muddo todobo maalin ah, waxayna dalbanayaan in la sii daayo dhaqtarad lagu magacaabo Ganiyat Popoola, oo ay afduub ahaan loo haysto muddo sideed bilood ah.

Dhaqtarada oo ah hooyo shan caruur ah dhashay ayaa habeen saqdhexe gurigeeda lagala baxay, iyada iyo seygeedii iyo wiil ay eedo u tahay, markii ay taariikhdu ahayd 27 kii December ee sandkii aynu soo dhaafnay.

Ninkeedii ayaa la sii daayay bishii Maarso kadib markii la bixiyay lacag madax furasho ah oo la siiyay kooxdii afduubatay, balse waxaysan sii daynin dhaqtarada iyo wiilka.

Dhaqaatiirta ayaa waxay sheegeen in xitaa aysan xaaladaha degdeg ah ka jawaabi doonin inta ay ku jiraan shaqo joojinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here