Arday lagu afduubtay Wadanka Nigeria oo la sii daayay.

0
16

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska dalka Nigeria ayaa xaqiijiyay sii deynta 20 arday oo barata cilmiga caafimaadka oo 15kii Agoosto laga afduubtay gobolka Benue ee bartamaha dalkaasi.

Afhayeenka booliiska Olumuyiwa Adejobi ayaa sheegay in ardayda lagu soo badbaadiyay ay iska kaashadeen hay’adaha amniga, dadka deegaanka iyo xafiiska lataliyaha amniga qaranka.
Ardayda wax ka barata jaamacadaha Maiduguri iyo Jos ayaa la afduubay xilli ay u socdaalayeen shirka sanadlaha ah ee ka socda Koonfur Bari ee gobolka Enugu.

Afduubayaasha ayaa ku hanjabay inay bilaabayaan inay dilaan qaar ka mid ah ardaydaasi haddii aysan lacagtaasi helin sabtidii la soo dhaafay, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi. Balse booliska Nigeria ayaa sheegay in ardaydan la soo daayay iyada oo aan wax madax-frasho ah la bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here