Biden oo kala hadlay madaxda Masar iyo Qatar sidii loo soo afjari lahaa colaadda Qaza

0
12

Jowhar ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii shalay khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyayaasha Qatar iyo Masar, si uu u riixo heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in lasii daayo la heystayaasha Israa’iiliyiinta ee gacanta ugu jira Xamas.

War kasoo baxay Aqalk Cad ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Biden uu si kala gooni ah uu telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, isla markaana uu kala hadlay “dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu rabo in lagu dhameystiro wadahadallada hehsiiska xabbad-joojinta iyo sii deynta la heystayaasha. ”

Xiriirka Biden ee madaxda Masar iyo Qatar ayaa ku soo beegmay, xilli Jimcihi shalay ay magaalada Qahira dib looga sii amba-qaaday wadahadallada lagu riixayo xabbad-joojinta Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here