Ten Hag Oo Loo Sheegay Xiddig Uu Kaydka Dhigo Kulanka Brighton Si Uu Boos Ugu Helo Zirkzee.

0
16

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Erik ten Hag ayaa loogu baaqay inuu Mason Mount ka saaro shaxdiisa Manchester United si uu boos ugu helo Joshua Zirkzee kulanka soo socda ee Brighton.

Mount ayaa si joogto ah ugu soo muuqday United kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka kadib markii uu ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkii hore.

Xiddigii hore ee Chelsea ayaa ku soo bilowday Community Shield kulankii ay la ciyaareen Manchester City usbuucii hore, isagoo booskiisa ilaashaday kulankii furitaanka Premier League ee Jimcihii ay la yeesheen Fulham.

Mount ayaa la bedelay daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta iyadoo United ay gacanta ku dhigtay maamulka ciyaarta ka dib markii uu ka baxay. Joshua Zirkzee ayaa si kastaba ha ahaatee dhaliyay goolka guusha ka dib markii uu daqiiqadii 87aad shabaqa soo taabtay.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea John Obi Mikel ayaa u sheegay Erik Ten Hag in uu kaydka dhigo xiddiga Mount si uu boos ugu baneeyo xiddiga reer Denmark.

“Waxa uu dhaliyay goolka guusha waxana uu u ciyaaray si fiican”ayuu Mikel yidhi.

“Aniga ahaan waa in uu ku bilowdo kulanka Brighton”.

“Ten Hag waa in uu kaydka dhigo Mason Mount si uu ugu bilaabo Zirkzee kulanka Brighton”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here