Julian Alvarez Oo Sheegay Sababtii Uu Uga Tagay Man City.

0
35

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga cusub ee kooxda Atletico Madrid Julian Alvarez ayaa sharaxay sababtii uu u go’aansaday in uu isaga tago Man City.

Xiddiga reer Argentine Julian Alvarez ayaa ku biiray Atletico Madrid isaga oo ka tagay Man City.

Alvarez ayaa bilow xagaagan sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man City si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaarayo.

“Waxaan dareemay in aan u baahanahay isbadal ku yimaada xirfadayda ciyaareed” ayuu Alvarez yidhi.

“Waxaan u baahday inaan raadiyo tartan cusub, waxa aan aaminsanahay in aan Halkan ku soo bandhigi karo wixii aan ku bartay Man City”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here