Man United Oo Guul Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka Premier League.

0
25

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man united ayaa guul dirqi ah ku Bilaabatay xill Ciyaareedka Premier League iyaga oo Garaacay Fulham.

Kulanka ayay Man united ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta iyaga oo Ka awood badan Fulham.

Man United ayaa samaynaysay fursadaha ugu halista badan xilli ay Fulham ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Waxa bar- baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah Kal dhalin.

Qaybtii dambe ayay Fulham ku Bilaabatay Si dar-dar leh iyaga oo ku qaadayay Man united weeraro aan kala joogsi lahayn.

Labada kooxood ayaa sii waday fursadaha laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay goolal u badalaan.

Laakiin daqiiqadii 87-aad ayay Man united dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joshua Zirkzee kaas oo hogaaanka u dhiibay Man united.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man united guul ku Bilaabatay xill Ciyaareedka Cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here