WHO oo dirtay digniin caalami ah oo ku aaddan Cudurka Busbus-ka

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo quseysa caafimaadka guud caalamka, kaddib ay shaacisay in cudurka Busbuska uu ka dillaacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Digniintaan caafimaad ee caalamiga ah ayay Qaramada Midoobay soo saareysaa marki labaad muddo laba sano gudahood ah,iyada oo markan ka digtay in cudurkan uu hadda ku sii faafayo dalalka deriska la ah Congo.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay, in jawaab caalami ah oo la iska kaashaday ay lama huraan u tahay joohinta faafitaanka cudurkan si loo badbaadiyo nolosha dad fara badan.

Cudurka Busbuska ayaa ku faafi kara isu dhawaashaha, iyo taabashada qof xanuunka qabo, wuxuu ku billowdaa qandho, kaddibna isu baddalaa nabro kasoo baxa jirka oo dhan.

Sida ay sheegtay WHO, cudurkan oo kasoo billowday Congo ayaa hadda ku faafay dalalka deriska la ah iyo kuwa u dhaw sida Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here