Arsenal Oo Fariin Ku Saabsan Mikel Merino U Dirtay Real Sociedad.

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa si cad ugu sheegtay Real Sociedad in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso 35 milyan oo euro si ay ula soo wareegto Mikel Merino, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Mikel Arteta ayaa ka dhigtay Merino bartilmaameedkiisa ugu sareeya si uu u xoojiyo khadka dhexe ee Arsenal laakiin Gunners ayaa wali wadahadalo kula jirta Real Sociedad si ay ugu dhaqaaqdo 28 jirkan.

Sida laga soo xigtay El Diario Vasco, oo ah wargeys ka soo baxa San Sebastian, Arsenal ayaan wax dalab ah u gudbin Real Sociedad oo ku aadan Merino laakiin ogola in ay bixiso lacagta 35 milyan ee ay dalbanayso Sociedad.

Wararka ayaa sheegeya in Arsenal ay u aragto qiimaha Merino mid aad u sareeya marka loo eego ciyaaryahanka qandaraaska uu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Merino, ayaa dhanka kale codsaday inuu ka tago Real Sociedad, laakiin Arsenal ayaa haatan ka bixi karta heshiiska hadii aan la dhimin qiimaha.

Laacibka khadka dhexe ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda Real Sociedad usbuucii hore isagoo qeyb ka ahaa xulkii Spain ee ku guulaystay Euro 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here