Dibad-baxayaal ka soo horjeeda midab-takoorka oo isu soo baxay gudaha UK.

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne ka dhiidhiyey rabshadaha isir nacaybka ku saleysan ee kooxo xagjiriin ah todobaadkan ka dhigeen UK.

Kumannaan dad ah ayaa isugu soo baxay goobo lagu wado in ay isugu yimaadaan kooxaha shisheeyaha neceb, si ay u muujiyaan diidmadooda ku aadden fikradaha xagjirka ah. Inta badan isku soo baxyada ayaa u dhacay si nabdoon.

Dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayeen dadka dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay yihiin kooxaha midigta fog ayaa gilgilay magaalooyin badan oo ku yaalla dalkaasi.

Kuwii dhacay toddobaadkii hore ayaa lagu beegsaday huteelo ay deggan yihiin dad soogalooti ah iyo goobaha cibaadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here