Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Manuel Ugarte.

0
30

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa u weecanaysa raadinta ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah iyaga oo ka hadhay baacsiga xiddiga Manuel Ugarte.

United ayaa doonaysay saxiixa Ugarte laakiin ma doonayaan inay bixiyan lacagta 60 milyan ee ay PSG ku qiimayso xiddiga.

Labada kooxood ayaa aad ugu kala fog qiimaha xiddiga reer Uruguay Man United ayaana haatan dareenkeeda u jeedisay bartilmaameedyo kale.

Kaliya haddii PSG ay yareyso qiimaha ay ku doonayso xiddiga ayay Man United dib gu soo laaabn doontaa miiska wadahadalada.

Aragtida United ayaa ah inay kaliya diyaar u tahay inay bixiso waxa ay u aragto inay tahay qiimaha saxda ah ee bartilmaameed kasta oo suuqa kala iibsiga ah, wadahadaladana lama ogolaan doono inay sii socdaan ilaa dhamaadka suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here