Feeryahanka Reer Algeria Imane Khelif oo ku Guuleysatay billadda Paris.

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Feeryahanka Imane Khelif, oo mar su’aal la geliyey jinsigeeda, ayaa ilmeysay ka dib markii ay xaqjiisay billadda miisaanka dhexe ee Olombikada Paris iyada oo garaacday Luca Anna Hamori oo u dhalatay Hungary.

Gabadhan u dhalatay dalka Algeria ayaa ka mid ah labada feeryahan ee ku tartamaya magaalada Paris inkasta oo sanadkii hore laga mamnuucay ciyaaraha caalamiga ah ee ururka feerka caalamiga ah ee IBA kadib markii la sheegay in ay ku guuldareysatay imtixaanadii u qalmida jinsiga, taas oo muran wayn dhalisay.

25-jirkan ayaa feerkeedii hore waxa uu socday 46 ilbiriqsi oo kaliya balse Khliif oo soo gashay giraanta feerka iyada aad ugu faraxsan taageerada Aljeeriya ,waxayan sabtidii si buuxda u ciyaartay saddexda wareeg ee ciyaarta, iyada oo ku guuleystay go’aan midaysan.

“Waxaan dareemayaa wanaag,”Khelif oo qiireysan ayaa sidaas u sheegay tafatiraha isboortiga ee BBC Dan Roan.

“Waa biladdii ugu horeysay ee feerka dumarka ee Algeria – aad ayaan u faraxsanahay, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo aduunka oo dhan iyo dunida Carabta – aad baad u mahadsantihiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here