Mareykanka iyo Ruushka oo is dhaafsaday Maxaabiis.

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maraykanka iyo Ruushka ayaa shalay is weydaarsaday in ka badan 20 maxbuus oo ay iska kala hayeen qaarkoodna laga sii daayay xabsiyo ku yaalla Yurub, taasoo ka dhigtay is-weydaarisigi ugu ballaarnaa oo ay labadan dal sameeyaan tan iyo burburki Midowgii Sofiyetka.

Heshiiskan caalamiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen dhowr waddan, ayuu Ruushka kusoo daayay Evan Gershkovich, oo ah saxafi u shaqeeya wargeyska The Wall Street Journal iyo Paul Whelan oo Maraykan ah, iyo Vladimir Kara-Murza, oo ka mid ah dadka sida weyn u naqdiya Putin, balse heysta deganaashaha Mareykanka.

Maxaabiista ay Moscow sii deysay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta, Alsu Kurmasheva oo ah wariye u shaqeysa warbaahinta Radio Free Europe/Radio Liberty, oo mataan la ah VOA. Alsu ayaa isku heysata dhalashada Ruushka iyo Mareykanka.

Oleg Orlov, oo ah rug-caddaa muddo u ololeynayay xuquuqda aadanah Ruushka iyo Ilya Yashin, oo si aada u diiday duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa ka mid ahaa dadka laga sii daayay xabsiyada Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here