Mareykanka iyo Afrika oo iska waayay liiska magaalooyinka adduunka ugu casrisan.

0
17

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Heerkulka dunida ee kordhaya iyo isbeddelka deegaanka waxay culeys saareen waddamada adduunka oo dhan. Magaalooyinka waxaa soo foodsaaray caqabado cusub oo la xiriira qorsheyaashooda mustaqabal waara.

Meelaha qaar waxay u guureen hirgelinta xalal fiican oo ujeedkoodu yahay in la sameeyo nolol tayo sare leh oo muddo jirta, taas oo dunida inteeda kale u noqoneysa mid ay raacaan.

Magaalada Lausanne
Saddex magaalo oo dalka Switzerland ayaa ka mid noqday 10-ka ugu sareeya caalamka. Zurich waxay gashay booska koowaad halka Geneva ay gashay kaalinta afaraad.

Magaalada Singapore waxa ay gashay kaalinta labaad taas waxaa la sheegay in ay ka timid ammaankeeda aadka u sareeya iyo xiriirka internet-ka oo aad u fiican. In la maamulo isu-socodka ayey taasna fududeysay.

“Gaadiidka dadweynaha ee Singapore si weyn ayaa kor loogu qaaday, waxa uu leeyahay internet furan” ayuu yiri Firdaus Syazwani oo muddo dheer ku noolaa Singpore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here