Wariye wax ka sheegtay dheerarka rai’sul wasaaraha Taliyaaniga oo xukun lagu riday.

0
14

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Suxufiyad u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa lagu amray inay siiso ra’iisul wasaare Giorgia Meloni lacag dhan €5,000 (£4,210) oo magdhow ah, kadib qoraalo baraha bulshada lagu qoray oo lagu jeesjeesay dhererkeeda.

Garsooraha ayaa go’aamiyay in labada fariin ee Giulia Cortese ee shabakada bulshada ee X, ay yihiin kuwo sumcad dil ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo loogu talagalay in lagu ceebeeyo jirkeeda.

Go’aanka ayaa yimid ka dib sheeko ay Ms Cortese ku tilmaantay Ms Meloni inay tahay “haweeney gaaban” oo ay ku tiri: “Xitaa kuma arki karo.” Iyadoo ka jawaabeysa go’aanka, Ms Cortese ayaa sheegtay in dowladda Talyaaniga ay “dhibaato xooggan ka haysato xorriyadda hadalka iyo mucaaradka suxufiyiinta”.

Dhererka rai’sul wasaaraha Taliyaaniga Giorgia Meloni ayaa warbaahinta Talyaaniga ku sheegtay inuu gaarayo 1.63m (5ft 3in).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here