Dunida oo wajaheysa halis cunto yari

0
18

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isbeddelka cimilada iyo tirada sii kordheysa ee dadka dunida ku nool ayaa laga yaabaa inay khatar ku noqoto sugnaanta cuntada adduunka.

Khubarada ayaa sheegaya in wax-soo-saarka dalagga beeraha uu hoos u dhici karo 30 boqolkiiba, halka dadka adduunka ku noolna ay kor u dhaafi karaan in ka badan 10 bilyan.

Qaramada Midoobay ayaa shalay u dabaal dagtay maalinta caalamig ah ee sanadlaha ah ee ku baraarugga tirada iyo arrimaha dadweynaha adduunka.

Malaayiin ruux oo ku nool daafaha dunida gaar ahaan dalalka ay ka jiran colaadaha ayaa xiligan wajahaya cuno yari iyadoo meelaha laga soo sheegayo in laga cabsi qabo inay ka dilaacdo macaluul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here