Waraabe argagax galiyay magaalo ku taalla Nigeria

0
43

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waraabe baxsad ah oo ka soo fakaday beerta duur joogta oo ku taala magaalada jos ee dalka Nigeria ayaa la qabtay kadib markii uu argagax geliyay dadka sida ay sheegeen guddiga dalxiiska ee dalkaasi.

Waraabihii “ugu dambayntii waa la helay, waa la dejiyay, waana la qabtay oo dib loogu celiyay xayndaabkiisii”, ayay guddiga dalxiisku ku sheegeen bayaan.

Ma cadda sida uu u baxsaday waraabuhu balse sida ay sheegeen guddiga dalxiiska, waxa uu ku jiray qafis.

Dad badan oo ku nool magaalada Jos ayey cabsiyu soo wajahday, inkastoo ay khubarada duurjoogtu xaqiijiyeen in ay yartay rajada ah in waraabuhu uu cid weerarrro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here