Rwanda oo war ka soo saartay heshiiska qaxootiga ee ay horey ula gashay Ingiriiska

0
59

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Rwanda ayaa soo saartay bayaan ka dib markii ay meesha ka saartay heshiiskii musaafurinta ee ay la gashay dowladdii hore ee Britain.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Labour-ka Keir Starmer ayaa ku tilmaamay heshiiskaa mid dhintay oo la aasay ka hor inta uusan bilaaban. Hadalka Kigali waxay ku cadaysay inay si buuxda u taageertay dhinaceeda heshiiska.

Heshiiska, oo lagu doonayay in wax looga qabto qalalaasaha socdaalka aan caadiga ahayn ee Britain, ayaa ujeedkiisu ahaa in kumannaan magan-galyo doon ah loo soo weeciyo waddanka ku yaalla bariga Afrika, iyadoo ay ku kacayso malaayiin dollar, halkaas oo codsigooda magan-gelyo laga baaraandegi doono.

Britain ayaa qorshahan u qoondaysay saddex boqol iyo toddobaatan milyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here