Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wax ka weydiisay suurtogalnimada ay kula soo wareegi karto weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak.

Blues ayaa la rumeysan yahay inay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Barcelona ee Marc Guiu suuqa xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, xitaa haddii ay ku guulaysteen inay helaan saxiixa xiddiga 18 jirka ah, Chelsea ayaa la filayaa in ay suuqa ugu sii jirto saxiixa weeraryahan cusub.

Blues ayaa lala xiriiriyay bartilmaameedyo kala duwan, oo ay ku jiraan gooldhaliyaha Lille Jonathan David iyo weeraryahanka Hoffenheim Maximilian Beier.