Madaxweynaha Kenya oo laalay sharcigii dhaliyey dibadbaxyadii dadku ku dhinteen ee Kenya

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo dadweynaha si toos warbaahinta ugu hadlayey, ayaa sheegay in uu ka laabtay inuu saxiixo,hinde sharciyeedka maaliyada ee shalay barlamaanku ansixiyeen.

Sharcigaas ayaa dhaliyey banaanbaxyo waaweyn oo gilgilay Kenya, kuwaas oo dad ku dhinteen.

Kii ugu balaarnaa ayaa shalay ka dhacay caasimada Nairobi iyo meelo kale oo dalkaa ah.
Dadka dibadbaxayey ayaa ka ashkatoonayey canshuur kordhin ay dowladdu soo rogtay.

Madaxweyne Ruto, ayaa sheegay inuu dhagaystay dalabadkii shacabka, basle ay muhin tahay sida uu sheegay in la eego wixii dhacay.