42 Falastiinyiin ah oo lagu dilay Gaza

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Ugu yaraan 42 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israil Sabtidi shalay ku bartilmaameedsadeen degmooyin ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza.

Ismail Al-Thawabta oo ah agaasimaha xafiiska warfaahinta Xamaas ee Gaza ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in 24 kamid ah dadka dhintay lagu dilay madaafiic lagu garaacay guri ku yaalla xerada qaxootiga Al-Shati oo mid ah sideed kaam ee taariikhiga ah ee qaxootiga Gaza, 18 kale ayuu sarkaalkani sheegay in ay ciidamada Isra’il ku dileen xaafadda Al-Tuffah.

War kasoo baxay millatariga Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay duqeeyeen laba xarun oo ay Xamaas ku leeyihiin Marinka Gaza. Waxay sheegeen in ay dhawaan bixin doonaan faah faahin dheeri ah.