Arsenal Oo Dajisay Qorshe U Fududaynaya Saxiixa Bruno Guimarães

0
28

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa diyaarisay qorshe ay ku helayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Newcastle ee Bruno Guimarães sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisaha ay u qabtay xiddia khadka dhexe iyada oo doonaysa in ay ku xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka cusub.

Mikel Arteta ayaa taageere u ah xiddiga reer Brazil waxana uu doonayaa in uu ku soo daro kooxdiisa suuqa xagaagan.

Wargayska Football Transfers ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarinayso dalab lacag iyo waliba xiddig si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Newcastle ayaa ku qiimaysa xiddiga khadka dhexe lacag dhan 100 milyan oo euro waana lacag ayna Arsenal diyaar u ahayn in ay bixiso.

Sidaas darteed Arsenal ayaa bixinaysa laca iyo waliba mid ka mid ah xiddigaha kooxdeeda si ay ugu fududayso heshiiska Bruno Guimarães