Dadka ku dhintay Xajka oo kor u dhaafay kun ruux.

0
17

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Tirada dadka ku dhintay xajka sanadkan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, iyadoo in ka badan kala bar ay yihiin dad aan diiwaangashanayn oo aan wadan ruqsadii xajka.

Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah 658 qof oo ka soo jeeda Masar, sida uu sheegay diblomaasi Carab ah, kaasi oo sheegay in 658 Masaari ah oo dhintay, ay 630 ka mid ah ay ahaayeen xujaaj aan diiwaangashanayn.

Dadka guud ahaan ku dhintey sannadkan Xajka ayaa ka soo kala jeeda 10 waddan.

Xajka, sannadkan ayaa ku soo beegmey xilli uu kulayl daran ka jiro Sacuudiga.

Xarunta qaran ee saadaasha hawada ayaa sheegtay in kuleylku ka kor mari doono 51.8 cabirka kuleylka toddobaadkan masaajidka weyn ee Mecca