Kenya oo wax ka baddashay cunshuur-kordhinta kaddib markii ay shacabka caroodeen

0
23

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddiga maaliyadda u qaabilsan baarlamaanka Kenya ayaa hoos u dhigay 16% canshuur kori laheyd rootiga, sidoo kale waxay hoos u dhigeen canshuur aad qali u ahaa oo dul saari malahaa saliidda cuntada lagu kariyo iyo lacagaha taleefanada la isugu diro.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay dheceen banaanbaxyo looga soo horjeedo qorshaha lagu kordhiyo canshuurta, taas oo la socotay soo jeedinta miisaaniyad sanadeedka cusub ee dawladda.

Joojinta arrintaan ayaa lagu dhawaaqay xilli ay boolisku biyo iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya ay u isticmaalayeen dadka dibadbaxyaasha ah.