Lacagihii laga xayiray ruushka oo la siinayo Ukraine.

0
26

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalalka G-7 ayaa isku raacay in lacagihii laga xayiray Ruushka loo weeciyo Ukraine si ay qayb uga noqoto taakuleynta loo sameynayo.

Lacagtan oo gaareysa $50bn ayaa loo qoondeeyay Ukraine ay qayb uga geysato dagaalka Ukraine ee ay Ruushka kula jirto kadib duullaankii uu Ruushku soo qaaday.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Ruushka xusuusinayo in marnaba aysan hoos u dhigi doonin go’aamadooda la xiriira taageerada Ukraine.

Lacagtan ayaa la filayaa in ay Ukraine u gacan gasho dabayaaqada sanadkan balse Ukraine ayaa la sheegay in ay u baahnatahay gargaar millitari oo deg deg ah si isugu filnaato inta ay lacagtan soo gaareyso.