Dalal badan oo Yurub ku yaalla oo qaati ka taagan kaneecada

0
32

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda caafimaadka ee Midowga Yurub ayaa ka digtay in kiisaska qandhada dengue iyo cudurrada kale ee ay qaaddo kaneecada ay si weyn ugu soo badanayaan qaaradda.

Xarunta Yurub ee Kahortagga iyo Xakamaynta Cudurrada ayaa sheegtay in isbeddelka cimilada uu gabbaad wanaagsan u abuurayo kaneecada faafisa qandhada dengue iyo fayraska Zika.

Ilaa 13 dal oo ka tirsan qaaradda Yurub, ayna ka mid yihiin Faransiiska, Spain iyo Giriigga, ayay kaneecadu faro kulul ku heysaa.

Magaalada Paris, oo cayaaraha Olimbikada ay ka dhici doonaan dhammaadka July, ayaa dowladda Faransiiska waxay sheegeysaa inay isha ku hayaan ayna ka hortagayaan kaneecada.