Wasiirkii Dagaalka ee Israa’iil Benny Gantz oo xlikii iska casilay

0
21

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirkii Gaashaandhigga Israel oo ka tirsanaa gGlaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada. Mr Gantz waxa uu damacsanaa in uu hadalkan jeediyo sabtida balse waxa uu dib ugu dhigay iyada oo la eegayey howlgalka soo furashada la haystayaasha Israa’iil.

Ka bixitaanka xisbigiisa ma dumin doono dowladda, laakiin waxay kordhin doontaa cadaadiska Mr Netanyahu ee dhaleeceynta kaga imaaneyso gudaha iyo dibadda.