Ruto oo sheegay in dal kale uu ka helay diyaaraddii muranka dhalisay.

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa  sheegay in lacagta ku baxday diyaarad khaas ah oo uu u isticmaalay safarkii uu ku tegay Mareykanka toddobaadkii tegay ay aheyd $76,000, oo aysan aheyn $1.2 milyan sida ay weriyeen warbaahinta Kenya.

Ruto ayaa sheegay in dal saaxiib la ah Kenya uu u yaboohay diyaarad raqiis ah kadib markii uu raadin sameeyey islamarkaana uu ka fakaray inuu isticmaalo diyaaradda dalka ee Kenya Airways.

Madaxweynaha ayaa toddobaadkii tegay Mareykanka ku tegay booqasho qaadatay afar maalin, halkaasi oo madaxweynaha Mareykanka ee marti-qaaday Joe Biden oo ku ammaanay “hoggaankiisa geesinimada leh.”

Wafdiga Ruto oo ka koobnaa ilaa 30 qof, oo ay ku jireen fannaaniin, jilayaal iyo majaajiliiste, ayaa ka caraysiiyay shacabka Kenya, sababo la xiriira qiimaha ku baxay, xilli uu isaga ku baaqay in la xakameeyo kharaashaadka.