Khasaare ka dhashay Shil ka dhacay dalka Mozambique

0
64
Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 6 qof ayaa ku geeriyootay, 16 kalena wey ku dhaawacmeen Shil Gaari oo shalay oo Isniin ahayd la dhacay Degmadda Mecuburi ee ka tirsan Caasimadda Gobalka Nampula ee Nampula ee Waqooyiga dalkaasi.
Gaari Xamuul oo ay la socdeen Rakaab u badnaa Ganacsato ayaa waxa uu ku dhacay Gaari Xamuul oo taagnaa jidka dhinaciisa.
Gaariga shilka galay waxaa la sheegay inuu si xawli ah ku socday, taasi oo soo dedejisay inuu Shil galo.
Inta badan dadka Rakaabka oo ahaa Ganacsato waxay ku sii jeedeen magaalladda Nampula, si ay Badeecado uga soo qaataan.
Dareewalkii Gaariga oo markii hore baxsaday waxa uu ugu dambayntii isku dhiibay Boliska.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen 22 qof, taasi oo ka badan Tirada rasmiga ee loogu talagalay inay raaceen oo ahaa 15 qof oo keliya.
Dhinaca kale, dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi waxaa la dhigay Isbitaalka Dhexe ee Magaalada Nampula , iyadoo Dhakhaatiirta xaqiijiyeen in la soo gaarsiiyey 16 dhaawac oo 5 ka mid ah la daaweeyey, kana baxeen Isbitaalka, balse 11 dhaawac aya la dhigay Qeybta Xaalladaha Daryeelka Khaas ka ah.