Dad ku dhintay dab ka kacay Hindia.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska Hindiya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 27qof oo ay dhowr carruur ah ku jireen ay ku dhinteen, dab xoog leh oo ka kacay xarun carruurta lagu ciyaarsiiyo oo ku taalla gobolka Gujurat ee galbeedka Hindia.

Taliyaha booliska magaalada Rajkot ayaa sheegay in marki danbe daba la xakameeyay isla markaana lasoo badbaadiyay qaar badan oo ka mid ah dadki ku sugnaa beerta madadaallada ee Rajkot.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo lagu magacaabo Vinayak Patel ayaa sheegay in ay aad u adkeyd in la aqoonsado meydadka ku gubtay dabka.

Boolisk ayaa sheegay in ay xireen milkiilaha iyo maamulaha xarunta gubatay si ay su’aalo uga weydiiyaan waxa sababay dabka.

Goobta gubatay ayaa caadiyan waxaa soo buuxi jiray qoysas carruur wata
si ay ugu ciyaarsiiyaan ciyaalkooda inta lagu guda jiro fasaxa iskuullada ee xilliga xagaaga.