Xaaladda caafimaad ee Boqor salmaanka Sacuudiga oo laga dayrinayo

0
25

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis Al Sacuud ayaa lagu warramayaa in xaaladiisa caafimaad aaney wanaagsaneyn.

Boqor Salmaan oo 88 jir ah ayaa la ildaran xanuun ku dhaca sambabada, waxaana lagu daweynayaa iminka isbitaal ku yaalla magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Warka ku saabsan in xaaladda caafimaad ee Boqor Salmana liidato ayaa soo baxay 22-kii bishaan May.