Mohamed Salah Oo Xaqiijiyay Halka Ka Ciyaari Doono Xilli ciyaareedka dambe.

0
61

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga ugu muhiimsan kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si maldan u Xaqiijiyay in uu sii joogi doono kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Salah ayaa mar kale ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Salah ayaa ku lug lahaa wax Ka Badan 20 gool tartamda oo dhan xilli ciyaareedka.

Waxa uu shaki ku jiray Mustaqbalkiisa maadama is badal ka dhacayo Liverpool isla markaas uu xiiso ka helay kooxaha sucuudiga.

Laakiin Salah ayaa sheegay In uu Sii Joogi doono kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Fariin uu u diray taageerayaasha Kooxdiisa ayuu ku Xaqiijiyay arintaas inkasta Oo uuna si cad ugu muujin hadalkiisa

Salah Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ognahay in koobab ay yihiin waxa la xisaabinayo, waxaana sameyn doonaa wax walba oo suurtagal ah si ay taasi u dhacdo xilli ciyaareedka soo socda”.

“Taageerayaasheena way mudan yihiin, waxaana u dagaalami doonaa sida ugu adag”.ayuu sii raaciyay.